Background
SomLearning Online Academy waxaa la aasaasay si looga jawaabo baahida sii kordheysa ee waxbarasho tayo leh oo loo helo si fudud, meel kasta oo laga joogo. Ujeedkeenna ugu weyn waa inaan furo fursado aqooneed oo casri ah, anagoo adeegsanayna tignoolajiyad waxbarasho oo la jaanqaadaysa xilligaan dijitaalka ah.
Waxaan nahay koox aqoonyahanno ah oo isku darsaday khibrad dhinacyada waxbarashada, tiknoolajiyadda, iyo horumarinta xirfadaha bulshada. Waxaan aaminsanahay in aqoontu tahay furaha koboca qofka iyo bulshada, waxaana sidaas awgeed u hirgelinnay manhajyo si qoto dheer u dhisan oo la jaanqaadaya baahiyaha ardayda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
SomLearning waxa ay bixisaa koorsooyin kala duwan oo ku saabsan caafimaadka, xisaabaadka (accounting), IT-ga, injineeriyada, luqadaha, iyo xirfado kale oo suuqa shaqada muhiim u ah. Casharradeennu waa kuwo si cilmi leh loo diyaariyey, laguna barto jawi dabacsan oo online ah, iyadoo la helayo taageero joogto ah.
Himiladeennu waa in aan noqono hormuudka waxbarashada online-ka ee Soomaalida, annagoo abuurayna jiil aqoon leh, xirfad leh, isla markaana karti u leh inuu isbeddel keeno.
Mission & Vision
Vision (Himilo):
Inaan noqono hormuudka waxbarashada online-ka ee Soomaalida, annagoo siino ardayda fursad ay ku helaan aqoon tayo leh, xirfado casri ah, iyo karti ay kula tartamaan suuqa caalamiga ah.
⸻
Mission (Hawlgal):
SomLearning Online Academy waxay u heellan tahay bixinta waxbarasho tayo sare leh oo la heli karo, la awoodi karo, kuna dhisan afka hooyo iyo hab online ah. Waxaan horumarinaynaa koorsooyin xirfadeed iyo kuwo tacliimeed si aan uga caawino ardayda Soomaaliyeed inay gaaraan himilooyinkooda shaqo iyo nololeed.